|
Qaahira,(insidesomalia.org)- Xaflad lagu maamuusayay Munaasabadaha xuriyada Soomaalida oo uu ka soo qeyb galay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr.Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Qaahira ee Wadanka Masar.
Xafladan oo lagu kulmiyay Sadex Munaasabadood oo kala ah 27 Jun oo ah maalintii ay xornimada qaatay Dalka Jabuuti iyo 26 Jun oo ah maalintii ay xoreebeen Gobalada waqooyi iyo 1da luulyo oo ah maalintey xoreebeen Gobalada koonfureed ee Soomaaliya, isla markaana ay midoobeen labada qeybood ee waqooyi iyo koonfur.
Munaasabada Xafladaasi oo ay soo qaban qaabiyeen naadiga Ardada Somaaliyeed ee Dalka Masar ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas'uuliyiin ay ka mid ahaayeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr.Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Dr.Xuseen Cali Axmed iyo Mas'uuliyiin kale iyo dadweyne aad ufara badan, waxaana ugu horeyn halkaasi tix Gabay ah kasoo jeediyay Abwaan da'yar oo lagu magacaabo Cabdinaasir Axmed kheyre Abtiga, taasi oo uu ku cabirayay marxalada adag ee uu maanta ku sugan yahay Dalka Soomaaliya iyo sida loogu baahan yahay in ay ummadda Soomaaliyeed gacmaha isqabsadaan.
Sidoo kale waxaa isna halkaasi khudbad ka soo jeediyay Gudoomiyaha naadiga Ardada Soomaaliyed ee Dalka Masar Cabdiqaadir kheyre oo ka hadlay qiimaha ay munaasabadahani ugu fadhiyaan ummadweynta Soomaaliyeed iyo sida loogu baahan yahay in mar walba loo xasuusto oo aysan ka tirmin maskaxda da'yarta Soomalaiyeed.
Kadib waxaa halkaasi khudbad dheer kasoo jeediyayDr.Cabdiqaasim oo ku dheeraaday taariikhda halgankii loosoo galay xornimada iyo sida ay ummada Soomalaiyeed naftooda ugu hureen sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen heeryadii gumeysiga.
"Ma ahan wax dheel dheel ku yimid xornimada ee waxaa naftooda uhuray geesiyaal Soomaliyeed oo geed gaaban iyo mid dheerba ufuulay sidii ay gumeysiga uga saari lahaayeen Ciida Soomaaliyeed, isla markaana ay umideyn lahaayeen guud ahaan Soomaali weyn"ayuu yiri Dr.Cabdiqaasim salad, isagoo si weyn uga sheekeyay Halgankii ay hormuudka ka ahaayeen geesiyadii Axmed Guray iyo Sayid Maxamed Cabdule Xasan oo uu ku tilmaamay halgamayaal aan maskaxda ummada Soomaliyeed marna ka tirmeyn.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxa uu sidoo kale ku dheeraaday taariikhda ururkii gobanimadoonka SYL iyo sidii ay ugu guuleysteen in ay gobalada koonfureed ee dalka uga xoreeyaan gumeystihii talyaaniga iyo ururadii kale iyo halgamayaashii ka jiray Gobalada waqooyi, Soomali galbeed, NFD iyo Jabuutiba.
Sidoo kale Dr.Cabdiqaasim intii uu khudbadiisa waday waxa uu amaan balaaran usoo jeediyay dowlada Masar oo uu ku tilmaamay in ay siweyn uga qeyb qaateen halgankaasi Dalka lagu xoreynayay.
"Aniga kontomeeyadii waxaan imid Qaahira waxaana ay xukuumada Masaarida Magaalada ka hirgalisay idaacad ku hadli jirtay afka Soomaaliga oo dhiirigalin usameynjirtay halgankii xornimadoonka, iyagoo Masaaridu hiil iyo hooba lagarabtaagnaa shacabka Soomalaiyeed"ayuu yiri Dr.Cabdiqaasim oo ka codsatay dadkii faraha badna ee ka soo qeybgalay xaflada xalay in ay u ogolaadaan in uu umahad celiyo Xukuumada Masar oo uu u horeeyo Madaxweyne Mubaarak iyo shacabkoodaba.
Xafladaasi loogu dabaaldagayay maalmaha xornimada Soomaalida ayaa intii ay socotay waxaa gabagabadeedii hareeyay buuq iyo fowdo salka ku hayay isqab qabsi udhaxeeyay Mas'uuliyiinta Naadiga Ardada Soomaaliyeed ee Dalka Masar iyo Urur dhalinyaro oo dhawaan lagaga dhawaaqay Dalka Masar SYO, kadib markii ay Mas'uuliyiinta Naadiga Ardada Soomaaliyeed ee Dalka Masar dhibsadeen wareysi ay Saxafiyiin Soomaali ah gudaha hoolka kula yeelanayeen Madaxda Ururkaasi, kadibna ay korontadii ay adeegsanayeen ka jareen, taasi oo keentay fowdo ku iyo buuq hareeyey gabagabadii xaflada.
|